". expr:content='data:blog.isMobile ? "width=device-width,initial-scale=1.0,minimum-scale=1.0,maximum-scale=1.0" : "width=1100"' name='viewport'/> Health and fitness weight loss fitness tracker 2023: Fitness tracker watches women and men

Thursday, November 23, 2023

Fitness tracker watches women and men

 



Ugu Horeyn: Google markii laga hadlaayo lacag ka sameynta online waa midka loogu aaminaada badan yahay ugana dhaqaalaha fiican, Hadii ay maskaxdaada ku jirto su’aashaan (sideen si bilaash ah lacag uga sameyn karaa online?) Google  waa meesha ugu caansan oo si bilaash ah lacag looga sameeyo . Waxa uu leeyahay qaabab fara badan oo runtii lacag dhab ah looga sameeyo dhanka online. waxaan si kooban uga soo qaadana  qaababka ugu fudud dhaqaalo fiicanna looga sameyn karo google oo aanan kaaga baahaneyn wax lacag ah 0$. aan ku bilowno sidee lacag looga sameeyaa google?

Sidee lacag looga sameeyaa

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay Google adsense marar badan ayadoo lagu dhahaayo baro xirfadaan balse anigu hadda waxaan kula wadaagayaa sida ay u shaqeyso. Google adsense si fudud af-somali ahaan waxay noqoneysaa xayeysiinta Google, shirkada Google waxay dhaqaalo fara badan ka sameysaa xayeysiinta sidoo kalena waxay ku bixisaa ayaduna lacag fara badan (hadaba sidee ?)

Dadku waxay u kala baxaan marka lajoogo xayeysiimaha kuwa waxooda xayeysiisanaayo iyo kuwa xayeysiinaayo dadka kale waxooda . Kuwa xayeysiisanaayo waxoooda waxay ku bixinayaan lacag si loogu xayeysiiyo waxooda. Halka ay kuwa wax xayeysiiyo ay qaadanayaan lacagta kuwa wax xayeysiisanaayo. Google adsense waxay shirkada Google ku qaadataa lacagta kuwa wax xayeysiisanaayo dhamaan caalamka ayaduna waxay lacagta ku bixisaa si ay gaarsiiso xayeysiimaha ay lacagta ku qaadaneyso dhamaan caalamka. Taasoo sababtay inaan anagu la shaqeyno Google ka caawino in ay xayeysiimeheedu  gaaraan dad farabadan.

Tusaale : waxaan furtay website kaan aad ka aqrinayso qoraalkaan Waxaan u furaa website ka si aan lacag uga sameeyo xayeysiinta google(google adsence), google waxay website keyga soo dhiganeysaa xayeysiimaha ay lacagta ku qaadato si ay u gaarsiiso dad fara  badan. Hadii ay website keyga dad ka hesho Google u daawado xayeysiinta ay lacagteeda qaadaneyso anigana waxa ay igu siineysaa lacag Sababtoo ah website ka anigaa leh dadka daawanaya aniga. waa is la fahanay 100% saan rajeynaayo sidoo kalena waan ka jawaabnay su’aashii ahayd sidee lacag looga sameeyaa google?.

 Hadaba aan u  gudubno sideed adigu lacag uga sameyn kartaa google?

Sideed lacag uga sameyn kartaa google? 

1-Google opinion rewards

Sida ugu fudud ee aad Google lacag uga sameyn karto waa Google opinion rewards.Waa application aad ka helayso playstore Android iyo iPhone labadaba waad ku isticmaali kartaa, waxaa uu kamid yahay online surveys ama somali ahaan sahimanta online ka, waxaad lacag ku qaadaneysaa kaliya inaad ka jawaabto suaalo yar yar oo adiga kugu saabsan weliba doorasho (mid dooro) ma ahan wax adag tusaale: Ma jeceshahay qoraalka? haa ama maya maalin iyo habeen coffe iyo shaax kee jeceshahay waxyaaba nuucaas ah mar walbo oo aad dhameyso hal survey oo aad ka jawaabto suaalaha basiidka ah waxaad heleysaa lacag 0.5$ 0.6$ ilaa 1$  Ma ahan meel aad dhaqaale weyn ka sameyneyso ama aad ka taajiri kartoBalse lacagtaada ugu horeyso online waad ka sameyn kartaa



.

2.Blogging

Qaabka ugu caansan ee Google lacag looga sameeyo waa inaad sameystaa blogg website oo aad ku xerato Google Adsense, aad ayey u fududahay inaad website sameysto kaliya waxaa kugu filan hal video oo aad youtube ka daawato.Hadii aad leedahay blogg website waxa kaliya aad u baahan tahay waa inaad heshaa dad soo booqdo website kaaga taaso ayaduna runtii adkeyn hadii aad tahay qof ay ka go’antahay inuu lacag sameeyo. Blogging waxaad ka sameyn kartaa dhaqaale fiican xitaa waxaad ku badali kartaa gabi ahaan noloshaada.Kaliyaa qoraalo qor ku share garee whatsapp Instagram facebook kadibna lacag fiican ka sameey umaleen maayo inay adag tahay. Balse uma fudada sida aan u sharaxaayoHadii aysan adkeyn oo aysan fududeen dhaqaale fiican na ay leedahay waxaa muuqda in ay u baahan tahay dadaal u qalma


.

3.Google workspace  Affiliate program



Hadii aad wax ka fahansan tahay merketing ka Google waxa uu leeyahay Affiliate program kuu sahlaya inaad lacag fiican ka sameyso. Affiliate merketing waa xirfad kaaga baahan barasho iyo khibrad lkn u qalanta waqti iyo dadaal Una bakalı kartid ganacsi dhaqaale fiican kaa soo galo, balse hada aan ku ekaano Google workspace. Waxaa lagaaga baahan yahay kaliya inaad join gareyso program ka kadibna aad share gareyso . Qof walba oo linkagaaga ku dhufto sign-up ku sameeya Google workspace programs waxaad ka sameyneysaa lacag. Hadii aadan fahansaneyn Affiliate merketing Sidaad moodo uma fududa balse qofka yaqaan Affiliate waxa u yahay Hadii uu maqlo Google waxa ay leedahay Affiliate program waxa uu arkaa jaanis wayn oo lama helaan ah. Hadii aadan rabto inaad wax ka ogaato Affiliate merketing waxa uu yahay iyo sida uu u shaqeeyo waxaad ka raadin kartaa google sidoo kale waxaad ka heli doontaa Hadii aad ku xernaato course

No comments:

Post a Comment

Fitness and health